Monday, September 17, 2018

wadamada ay ku noolyihiin muslimiinta ugu badan

Ma ogtahay in wadamada ay ku noolyihiin muslimiinta ugu badan ay kala yihiin wadamada; Indonesia, Pakistan, India, Bangladesh, Nigeria, Egypt, Iran, Turkey iyo Algeria.

Saturday, September 15, 2018

Nabiyaasha inta ay dacwada wadeen .

Haweenka Rasuulka SCW (Umahaatul-Muminiin)

Haweenka Nabigow ma tihidiin sida Haweenka kale haddaadse dhowrsataan hadalka ha nuglaynina oo uu Damco midka Qalbiga ka buka, hadal Wanaagsanna ku hadla allah run ayuu Sheegay Sadaqalaahu Cadiim HAWEENKII RASUULKEENA MOHAMED SCW (UMAHAATUL-MUMINIIN)KU SOO DHAWAADA WALAALAYAL MAANSHA ALLAH Aslaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakad Bismilaahi raxmaani Raxiim Wasalaatu Wasalaam Calaa Xabiibinaa wa mucaliminaa Nabiyanaa Mohamed ibnu Cabdilaahi {scw} Magaca Eebe yaan kubillaabaynaa ee Naxariis Guud iyo mid Gaaraba Naxariista Allahaasow calamka iska leh Dhamaantii Cabdilaahi binu mascuud Allah ha ka raali noqdee waxaa uu yidhi waxaan ka maqlay Rasuulkeenu{scw} waxaa uu yidhi allah ha Nuuro qof naga Maqlay hadal Wanaagsan Dabadeedna Gaadhsiiya Walaalihii Muslinka waxaa laga yaabaa Qofka la Gaadhsiiyay inuu uga anfac badan yahay ka Gaadhsiiyay Walaalayaal Ogaada In Xaasaska Rasuulkeenu{SCW} Yihiin Dumarka Uu Allah Abuuray Kuwa ugu Qiimo Iyo Qaayo Badan Maxaa Yeelay Waxaa Ay Xaas Unoqdeen Allah Fariin wadihiisii Mohamed{scw} uuna Allah jeclaa waana hooyooyinkeen xaasaska Nabigeena mohamed naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ku dhamaatee Allaha awood Badan Leh Waxaa Uu Quraanka Kariimka Ku yidhi Nabigaa uga Roon (Turid badan) Mu’miniinta Naftooda, haweenkiisuna waa Hooyooyinkood, Qaraabaduna iyagaa qarkood qaarka kale kaga Mudan Kitaabka Eebe, Mu’miniinta (kale) iyo Muhaajiriinta, inaad wanaag u fashaan gargaarayaashiina mooyee, Xukunkaasna wuxuu ku Qoran yahay Kitaabka. Allah awood badan leh isaga oo si toos ah ula hadlaya xaasaska rasuulkeena mohamed{scw} kuna toosinaya jidka toosan ee allah raali ka yahay waxaa uu yidhi hadlkiisu kor ha noqdee quraanka kariimka ah ku yidhi Suuratul Axzaab aayadaha 28 ilaa 34 sidan ayuu ula hadlay xaasaska Sharafta badan leh ee bal fiir walaalayaal ilaahay ha ka raali noqdee xaasaska rasuulkeena{scw} Nabiyow ku dheh Haweenkaaga haddaad tihiin kuwo dooni Nolosha adduunyo iyo Quruxdeeda kaalaya waan idin gacan marin si quruxsanna idiinsiideyne Haddaadse tihiin kuwo dooni Eebe iyo Rasuulkiisa iyo Dartii Aakhiro Eebe wuxuu u darbay Haweenka wanaagga fala oo idinka id ah ajir wayn. Haweenka Nabigow tiinii la timaadda xumaan cad waxaa loo laalaabi cadaabka arrintaasna waa u fududahay Eebe. Tiise adeecda Eebe iyo Rasuulkiisa oo camal fiican fasha waxaan siinaynaa Labo ajir, waxaana u darbaynaa Rizqi wanaagsan. Haweenka Nabigow ma tihidiin sida Haweenka kale haddaadse dhowrsataan hadalka ha nuglaynina oo uu damco midka qalbiga ka buka, hadal wanaagsanna ku hadla kuna sugnaada Guryihiinna, hana u wareegaysanina (idinko isfaydi) sidii jaahiliyadii horraysay, Salaadana ooga, Sakadana biya, Eebe iyo Rasuulkiisana adeeca, Eebe wuxuu uun dooni inuu xumaanta idinkatagsiiyo (fogeeyo) dambiga, Ehelubaytkow idinna daahiryeelo. xusuustana waxa lagu akhrin Guryihiin oo aayaadka Eebe ah iyo Sunada (Nabiga), Eebana waa wax walba oge Xeeldheer. markaa uu allah sidaa quruxda badan leh ula hadlay waxaa uu dabo dhigay allah isaga ayaa awood badan leh kalmado macaan Raga Muslimiinta ah iyo Haweenka Muslimaadka ah, Ragga Mu’miniinta ah iyo Haweenka Mu’minaadka ah, Ragga Eebe adeeca iyo Haweenka adeeca, Ragga Runlowga ah iyo Haweenka Runlowga ah, Ragga Samra iyo Haweenka Samra, Ragga u khushuuca Eebe iyo Haweenka u kushuuca, Ragga Sadaqaysta iyo Haweenka Sadaqaysta, Ragga Sooma iyo Haweenka Sooma, Ragga isdhawra iyo Haweenka isdhawra, iyo Ragga imbadan Eebe xusa iyo Haweenka inbadan xusa, wuxuu Eebe u darbay Dambi dhaaf iyo ajir weyn. HAWEENKII RASUULKA SCW (UMAHAATUL-MUMINIIN) KU SOO DHAWAADA WALAALAYAAL intaanu bilaabin xaasaska Rasuulkeena{scw} waxaa hordhac idinka siinayaa caruurta Rasuulkeenu{scw} imisa ayay ahaayeen? yaase udhalay Caruurta badidooda? ku soo Dhawaada Caruurta inta Badan Waxaa Udhashay ilaahay Ha Ka Raali Noqdee khadiija kubraa{Rc} 1} Qasim 2} Cabdilaahi{oo la odhan jiray dayib iyo daahir} 3} Saynab 4} Ruqiyo, 5}Ummu-khalthum 6}Fadumo. zahraa ibintu rasululaah magacaa ayay ku caan ahayd ilaahay ha ka raali noqdo dhamaantood waxaa oo hadhay ibraahim waxaa udhashay rasuulkeena{scw}Ibraahim isagu wuxuu ku dhashay madiina sannadkii 8aad ee hijriga waxaana dhashay maariyatul qibdhiya{Rc} saan soo tilmaanayba. Waxayna Nabiga carruurtiisu ahaayeen saddex wiil oo la kala oren jirey: Ibrahim, Qaasim iyo Cabdullaahi (oo la oran jirey Dhayib iyo Daahir) iyo afar gabdhood oo la kala oran jirey: Seynab, Ruqiyo, Ummu-khalthum iyo Fadumo. Saddexda wiil wey saqiireen hase yeeshee gabdhihii way hanaqaadeen oo islaamka ayey la kulmeen weyna wada islaameen. Gabdhaha waxaa loo kala guursaday sidatan: Seynab waxaa guursaday Abil Caas; Ruqiya iyo Ummu-kalthum waxaa kala guursaday laba wiil oo Abii lahab oo Nebiga SCW adeerkiis ahaa uu dhalay. Ninkaas oo Rasuulka SCW aad u dhibay caqabadna ku noqday dadkii iney islaamka qaataan ayaa markay soo degtay suuratu lahab wuxuu, Abii lahab u yeedhay labadiisii wiil wuxuuna ku yiri: “u fura Maxammed labadiisa gabdhood” wayna fureen ka dibna waxaa labadii gabdhood iska daba guursaday Cismaan binu Cafaan oo ay labadiiba k dhinteen; Faadumo waxaa iyada guursaday Cali bin Abii Dhaalib oo ahaa Nabiga scw ina adeerkiis.Nebiga SCW carruurtiisa oo dhan way ka wada hor dhinteen Faadumo oo lix bilood ka dambeysey maahane, waxaana carruurtiisa ugu waynaa Qaasim, waxaa ku xigtay Seynab, waxaa ku xigtay Ruqiya, waxaa ku xigtay Umu-kalthum, waxaa ku xigay cabdullaahi oo ugu yaraa bah khadiija. Rasuulka scw carruurtiisu waxa ay dhasheen Naginimada ka hor Cabdullaahi iyo Ibraahim maahane, Cabdullaahi waa la isku khilaafaa in uu nabinimada ka hor dhashay iyo in uu ka dib dhashay, waxaase loo badan yahay in uu Nabinimada kadib dhashay. Ibraahim isagu wuxuu ku dhashay madiina sannadkii 8aad ee hijriga waxaana dhashay maariyatul qibdhiya saan soo tilmaanayba HAWEENKII RASUULKA SCW (UMAHAATUL-MUMINIIN) KU SOO DHAWAADA WALAALAYAAL Haweenkii uu Rasuulku SCW guursaday waxa ay ahaayeen Saddex iyo Toban oo uusan labo la aqal galin iyo labo adoomo ah, waxayna kala ahaayeen Saqaal uu kadhintay oo ahaa:Caa’isha bintu Abiibakar-Sidiiq, Xafsa bintu Cumar binu Khadhaab, Umu Xabiiba binu Abii-Sufyaan binu Xarbin, Umu Salama bintu Abii-Umaya binu Muqiira, Sawda bintu Samca binu Qays, Saynaba bintu Jaxshin binu ri’aab, Maymuuna binu Xaarith, Juwayriya bintu Xaarith binu Abii-Daraar, Safiya binu Xuyey binu Akhdhab, iyo labo hortiis dhimatay oo kala ahaa: Khadiija bintu Khuwaylid iyo Saynaba bintu Khusayma, iyo labo uusan la aqal galin oo kala ahaa: Asmaa bintu Nucmaan iyo Camra bintu Yasiid, iyo labo Adoomo ah o kala ahaa: Maariyatul Qibdhiya iyo Rayxaana bintu Sayd, intaas weeye haweeenkii Rasuulka SCW oo isugu jiray wuxuu la aqal galay iyo wuxuusan la aqal galin, waxaana u soo qaadanaynaa mid mid anagoo raacayna siday ukala horeeyeen: 1.Khadiija bintu Khuwaylid binu Asad waxa ay ahayd haweentiisii ugu horaysay waxaana u guuriyey Aabaheed Khuwaylid ama walaalkeed Camar binu Khuwaylid, waxayna jirtay 40 sano Rasuulkuna SCW wuxuu jiray 25 sano, waxay Rasuulka SCW hortiis soo guursatay Labo nin oo kala ahaa abii-haala binu Maalik oo ay u dhashay labo caruur ah iyo Catiiq binu Caabid oo asna ay labo caruur ah u soo dhashay. Rasuulku SCW wuxuu Khadiija qabay ilaa uu 50 sano gaaray, lamana uusan guursan. Khadiija waxa ay Rasuulka SCW u dhashay caruurtiisa oo dhan Ibraahim ma ahane. khadiija rasuulkeena mohamed{scw} aad ayuu ujeclaa waxaanu xidhiidhi jiray khadiija dadkii ay saaxiib ahaayeen markay dhimatay khadiija fadligeegu waxaa uu gaadhay allah ha ka raali noqdee in allah samada iyo dhulka iyo makhluuqa oo dhan iskagu iska leh uu salaan usoo diro uguna soo dhiibo malaigu jibriil uuna allah ugu bishaareeyay guri janada ku yaala oo aan tacab iyo daal midna lahayn oo ay ku raaxaysan doonto insha allah ilaahay maceega ha inaga dhigo khadiija oo hooyadeen sida allah quraanka ku tilmaamay uu yidhi xasaaska nabi mohamed{scw} waa hooyooyinkiin maansha allah 2. Sawda bintu Samca binu Qays waxa uu Rasuulku SCW ku guursaday Makka sannadkii 11aad ee nabinimada markii ay Khadiija dhimatay waxaana u guuriyey Sulaydh binu Camar ama Abuu-Xaadhib binu Camar, waxaa isaga hortii soo guursaday ina adeerkeed Sakraan binu Camar oo kamid ahaa muslimiintii Xabashida u hijrootay ka dibna ku soo laabtay maka oo ku geeriyooday.haweenaydaa oo la kulantay dhib iyo rafaad jidka allah dartii dabadeena allah ku ciseeyay inuu guursado rasuulkii allah{scw} noqotayna hooyooyinkii muminiinta oo dhan 3. Caa’isha bintu Abii bakar-Sidiiq wuxuu Rasuulku SCW ku guursaday Makka sanadkii 11aad ee Nabinimada Sawda ka dib iyada oo lix sano jirta, wuxuuna ku dhistay Madiina iyada oo Sagaal sano jirta, waxaa u guuriyey aabeheed Abuubakar, mana guursan Rasuulku SCW bikro aan iyada ahayn oo haweenkiisa inta kale garoobo ayey ahaayeen, waxa ay ahayd haweenkiisa mida uu ugu jeclaa uguna cilmiga badnayd.waxayna ahayd haweenka umada nabi mohamed{scw} haweenayd ugu cilmi badan waxayna noqotay allah ha ka raali noqdee hooyooyinkii muminiinta oo dhan caaisha binu abiibakar ma koobi karno siduu uu rasuulkeenu ujeclaa{scw} sidee ayaan loo jeclaanayn caaisha aabaheed oo ah abiibakar sadiiq saaxiibkii rasuulkeena suuban{scw} abiibakar waa ninkii diinta islaamka naftiisa iyo maalkiisa uhuray allah ha ka raali noqdee muslimiinta oo dhan sharaf ayuu ka mudan yahay abiibakar sadiiq cabdilaahi ibnu cismaan oo ku caan noqday abiiquxaafa rasuulkeenu{scw} waxaa uu yidhi hadaan saaxiib samaysanayo waxaan ka yeelan lahaa abiibakar sadiiq laakiinse waxaan ka jeclahay walaaltinimada islaamka waxaa kale oo uu rasuulkeenu{scw} yidhi maal ima anficin maalka aan abiibakar ahayn laakiinse allah ayaa ka amaal marin maalinta qiyaame saxaabigaa qiimaha oo dhan leh ayaa dhalay gabadhan qiimaha iyo qaayaha badan leh umunaa caaisha ilaahay ha ka raali noqdee janadana allah ha inagu kulmiyo iyada iyo xaasaska kale insha allah allah wax walba uu karaa ha la jeclaado caaisha bintu abiibakar caisha ilaahay ha ka raali noqde waxay rasuulkeena mohamed{scw} ka soo warisay axaadiis gaadhay ilaa 2210 axaadiis waxaanay ahayd markii uu rasuulkeenu{scw} dhintay gabadh diinta islaamka faafisa qofka arkaana caaisha waxaa uu xasuusan jiray nabi mohamed{scw} saxaabada waxaa ay odhan jireen axadiis iskama keen dhex galo ilaa waxaan waydiin jirnay caaisha oo aan ka heli jirnay isaga oo sax ah caaisha waxay gaadhay in uu aabaheed ka wariyo axaadiista ilaa ay culimada qaarkoog allah ha unaxariistee ay isku khilaafee ayaa fadli badan caaisha iyo aabaheed ufiirsada walaalayaal caaisha iyo aabaheed ayaa lagu marmayaa midkee fadli badan waxaa cad inuu abiibakar ka fadli badan yahay caaisha waxaa fadligeega inoogu filan sida uu allah awood badan leh usoo bari yeelay markii lagu sheegay inay sinaysatay subxanallaah allah aayado qiimo leh ayuu ka soo dejiyay caaisha waxay odhan jirtay umaan malaynayn inuu allah aayado cad cad ka soo dajinayo arintaydaa la igu been abuurtay fiiri walaal aayadaha waa sidan suuratul nuur aayadaha 11 ilaa Kuwa la Yimid Been Abuurka (Qadafka Caasho) waa Koox Idinka mid ah, How Malaynina inay Shar Idiin tahay, waxayse idiin tahay Khayr, Qof kasta oo ka Mid ahna waxaa u Sugnaaday wuxuu kasban oo Dambi ah midka Qaatay Waynanka Arintana oo ka mid ah wuxuu Mudan Cadaab weyn (Ibnu Salool). Maxaydaan Markaad Maqasheen Xaalka (Qadafka) ayna ugu malayn Mu’miniinta ragga iyo Haween Naftooda Khayr, oyna u Dhihin Kaasi waa Been Abuur Cad. Mayse u Keenaan Korkiisa Afar Marag, Haddayna keenin Marag kuwaasu Eebe Agtiisa waxay ku Yihiin Beenaalayaal. Hadduuse Jirin Fadliga Eebe ee Korkiinna iyo Naxariistiisa Adduun iyo Aakhiraba waxaa Idin Taaban lahaa waxaad Dhexgasheen Dartiis Cadaab weyn. Markaad kula kulmaysaan Qadafka Carrabkiinna oo ku Dhahaysaan Afkiinna waxaydaan Ogayn, una Malaynaysaan wax Fudud Isagoo Eebe Agtiisa ku wayn. Markaad Maqasheen Maad Dhahdaan Nooma Habboona Inaan ku Haddallo kan, Eebaa Nasahan ee kan (Qadafka) waa Been Abuur wayn. wuu idinka Waanin Eebe inaad u Noqon Isagoo kale Waligeed Haddaad Tihiin Mu’miniin Wuxuuna idiin Caddayn Eebe Aayaadkiisa, Eebana waa Oge Falsan. Kuwa Jecel inay ku Faafto Xumaantu Kuwa Rumeeyey (Xaqa) waxaa u Sugnaaday Cadaab daran Adduuniyo Aakhiraba, Eebena waa Ogyahay idinkuna ma Ogidin Hadduuna jirin Fadliga Eebe ee Korkiina iyo Naxariistiisa iyo in Eebe yahay Naxariis badane Ilaaliya, (Waxaa ahaan lahaa wax kale). Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Raacina Tallaabooyinka (camalka) Shaydaanka Ciddii Raacda Tallaabooyinka Shaydaanka Isagu wuxuu Faraa Xumaanta iyo waxa la Naco, Hadduusan jirin Fadliga Eebe ee Korkiinna iyo Naxariistiisa ma Daahirineen Ruux idinka Mid ah Waligeed, Laakiin Eebaa Daahiriya Cidduu Doono, Eebana waa Maqle Og. aayadan dambe waxay si toos ah uu allah ula hadlayaa abiibakar sadiiq ilaahay ha ka raali noqdee oo markii been abuurka gabadhiisa caaisha lagu sameeyay ayaa waxaa ka qayb qaatay been abuurkaa wiil uu abiibakar masruufi jiray oo uu isagu wax siin jiray ayaa run mooday dabadeedna waa uu faafiyay isaga oo aan ogayn dhibta ka imanaysa been abuurka caaisha ninku waa saxaabi laakiinse waa uu ku silbaday arintaa markaa ayuu abuubakar ka dhaartay inaan waxba dib usiin doonin markaa ayuu allah la hadlay abiibakar sadiiq saxaabigaa waxaa la odhan jiray Misdhax Yeyna ku Dhaaranin kuwa Fadliga (Dheeraadka) leh iyo Ilodanimada inayan wax siinayn Qaraabada, Masaakiinta iyo kuwa ku Hijrooda Jidka Eebe, hana iska Cafiyaan hana Saamaxeen, miyeydaan jeclayn inuu idiin Dhaafo Eebe, Ilaahayna waa Dhaafe Naxariista waxaa laga sheegay inuu abiibakar yidhi haa waan jeclahay inaad ii dambi dhaafo waanu usii waday masruufikii saxaabigaa waanu iska cafiyay abiibakar nin qiimo badan ayuu ahaa isaga iyo gabadhiisa suuban caaisha ibntu abiibakar intaa ayaan ku soo koobaynaa waxayna noqotay hooyooyinka mumininta oo dhan waxaana lagu magacaabi jiray umu cabdilaahi caruur rasuulka uma dhalin laakiinse walaashee ayaa dhashay wiilkana cabdilaahi asma bintu abiibakar ayaa dhashay markaa caaisha ayaa lagu magacaabay uma cabdilaahi rasuulkeenu{scw} waxaa uu ka dhintay caaisha oo 18jir ah ilaahay ha ka raali noqdee caaisha iyo aabaheed abiibakar sadiiq 4. Xafsa bintu Cumar binu Khadhaab waxa uu Rasuulku SCW ku guursaday Madiina sannadkii 3aad ee hijriga, waxaana u guuriyey aabeheed Cumar, waxaana Rasuulka SCW hortii guursaday Khunays binu Xudaafa oo ku shahiiday dagaalkii Badar.waxaanay noqotay hooyooyinkii mumininta oo dhan maansha allah xafsa binu cumar binu khadab walaal inaynu sharafno weeyaan gabadh qiimaha badna leh ee uu dhalay amiirkii muminiinta cumar faaruuq allah raali ha ka ahaadee waa ninkii uu rasuulkeenu{scw} jeclaa cumar faaruuq aabaheed waxaa uu rasuulkeenu yidhi ilaahay waxaa uu ku joojiyay diinta islaamka carabka cumar binu khadaab waxaa kale oo uu yidhi rasuulkeenu{scw} isaga oo ka sheekaynaya xafsa aabaheed oo ah cumar binu khadaab umadayda haduu ku jiri lahaa qof wa lagu sheego xaga allah waxaa uu noqon lahaa cumar binu khadaab maansha allah saxaabada qayb ka mid ah waxay yidhaahdeen haduu cumar dhinto islaamku waa uu daciifayaa cumar iyo gabadhiisa qiimaha badan leh allah ha ka raali noqdo inagana allah macooga ha inaga dhigo maalinta aan xoolo iyo caruurba waxba taran waa maalinta qiyaame allahayow adiga ayaa mahadsan 5. Saynaba bintu Khusayma oo lagu naanaysi jiray hooyadii masaakiinta siday ugu naxariisan jirtay oo ay ugu jilicsanayd darteed, wuxuu Rasuulku SCW guursaday sanadkii 4aad ee hijriga, waxaana u guuriyey Qabiisa binu Camar, waxaa hortiis soo guursaday Cabdullaahi binu Jaxshin oo ku shahiiday dagaalkii Uxud, waxayna dhimatay guurka Rasuulka SCW labo bilood ama Sadex bilood ka dib. waxayna noqotay saynab bintu khusayma hooyooyinkii muminiinta allah ha ka raali noqdee 6.Umu-Salama bintu Abii-Umaya oo magaceeda la oran jiray hinda wuxuu Rasuulku SCW guursaday isla sanadkii 4aad ee hijriga waxaana u guuriyey wiilkeedii Salama ibnu Abii-Salama waxaana Rasuulka hortii kadhintay Abii-Salama binu Cabdi Asad oo magaciisa la oran jiray Cabdullaahi una dhintay dhaawac ku soo gaaray dagaalkii Uxud, waxayna usoo dhashay Abii-Salama Afar caruur ah oo kala ahaa: Salama, Cumar, Saynab, iyo Ruqiya.waxay noqotay hooyooyinkii muminiinta oo dhan allah ha ka raali noqdee umu salama bintu abii umaya 7. Saynaba bintu Jaxshin binu Ri’aab wuxuu Rasuulku SCW guursaday sanadkii 5aad ee hijriga, waxa ayna ahayd Rasuulka SCW ina eedadiis waxaana hortiis soo guursaday Sayd binu Xaarith, Alle ayaana u guuriyey sababteedana waanu soo marnay. waxayna noqotay allah ha ka raali noqdee hooyooyinkii muminiinta oo dhan waana ahayd rasuulkeena ina eedadiis 8.Juwayriya bintu Xaarith waxa uu Rasuulku SCW guursaday sanadkii 6aad ee hijriga waxayna kamid ahayd dadkii lagu soo qabsaday duulaankii banii musdhaliq waxaana qayb ahaan u helay Thaabit binu Qays markaasuu kitaabeeyey, Rasuulka SCW ayey u timid si uu uga gudo markaasuu Rasuulku SCW ku yiri “makuu sameeyaa wax taas kaaga khayr badan?” waxay tiri “waa maxay”, wuxuu yiri “waan kaa gudayaa waana ku guursanayaa”, waxay tiri “waayahay”. Markaasuu ka guday ka dibna guursaday. 9.Umu-Xabiiba bintu Abii-Sufyaan oo magaceeda la oran jirey Ramal wuxuu Rasuulku SCW guursaday Sanadkii 7aad ee hijriga waxaana hortii soo guursaday Cubaydilaah binu Jaxshin oo ay u wada hijroodeen Xabashida markaasuu ka ridoobay islaamkii dabadeedna ku dhintay halkaas, hase yeeshee Umu-Xabiiba islaamkeedii ayey ku sugnaatay sidaa darteed markii Rasuulku SCW uu Najaashe Asxam warqada udirayey sanadkii 7aad ayuu ku codsaday in uu kusoo meheriyo oo usoo diro Najaashana sidii ayuu yeelay, wuxuuna kusoo daray Shuraxbiiil ibnu Xasna. 10. Safiya bintu Xuyey wuxuu Rasuulku SCW guursaday sanadkii 7aad ee hijriga waxayna ahayd reer banii Israa’iil oo waxay kamid ahayd dadkii lagu soo qabsaday duulaankii Khaybar markaasuu iyada ka doortay oo xoreeyey ka dibna guursaday, waxaana isaga hortii guursaday kinaana binu Rabbiic ibnu Abil-Xaqiiq.waxayna noqotay hooyooyinkii muminiinta ilaahay ha ka raali noqde hooyooyinkii muminiinta oo dhan 11. Maymuuna bintu Xaarith wuxuu Rasuulku SCW guursaday sanadkii 7aad ee hijriga markuu Cumratul-Qadaa gutay, waxaana u guuriyey adeerkiis Cabaas binu Cabdi-Mudhalib oo ay gurigiisa joogtay walaasheed Umu Fadlina qabay, Rasuulka SCW hortiisna waxaa soo guursaday Abii Ruhmi binu Cabdi Cusaa.Kow iyo Tobankaas ayey ahaayeen xaasaskii Rasuulka SCW marka laga reebo labadii adoomada ahaa oo kala ahaa: Maariyatu Qibdhiya oo boqorkii Isandariya xukumayey usoo hadiyeeyey sanadkii 7aad ee hijriga waana gabadha u dhashay wiilkiisii Ibraahim, iyo tan kale oo ahayd Rayxaana bintu Sayd oo kamid ahayd dadkii lagu qabsaday duulaankii banii Qurayda oo uu markaa naftiisa u doortay. Labada uusan laguri galin sidaan soo sheegnayba waa Asma bintu Nucmaan iyo Camrata binu Yasiid, lagumana tiriyo Labadaan Umuhaatul-Muminaatka, maxaa yeelay kama aysan mid ahayn xaasaskii Rasuulka SCW.Waxaa intaa noogu dhamaaday waxyaabihii aan ka ishaarnay guurkii Rasuulka SCW, waxa ay arrintaanina ka mid tahay meelaha ay cadawga islaamku wax ka xoq xoqdaan markii ay waayeen meel ay Rasuulka SCW ceeb uga raadiyaan, iyaga oo aad isugu taxalujiya in ay ceeb u helaan shakhsiyadda nadiifka ah ee Rasuulka SCW, taas oo Alle nusqaan ka dahiray.Haddaba haddii aan wax ka tilmaanno guurkii Rasuuulka SCW waxaa ku jiray xikmooyin badan oo Alle SW uu garanayo, waxaana xikmooyinkaas ka mid ahaa kuwakan:1.Waxaa jiray arrimo badan oo daruuri ahaa oo ay dadka muslimiinta ahi u baahnaayeem, aysanna ogaan karin cid aan haweenkiisa ahayn sida; jiifkiisii, qubayskiisii, soo toosiddiisii, salaatu-laylkiisii, janaabadiisii, mucaamaladiisii haweenka iyo hawlihiisii khaaska ahaa oo dhan. Waxaan in badan arkaynaa in ay haweenkiisu ka wariyeen axaadiis aad u tiro badan, siiba kuwa ku saabsan arrimaha aan soo tilmaanay.2. Guurku waxa uu ahaa sunnadii anbiyadii Ilaahay, qaarkoodna wayba ka haween badnaayeen Rasuulka SCW sida; Nabi Sulaymaan iyo Aabihii Nabi Daa’uud, sidaa darteed Rasuulku SCW waa uu guursaday, dadka muslimiinta ahna waa uu ku booriyey, waxaana dhici kari lahayd haddii uusan Rasuulku SCW guursan lahayn in dad badan oo muslimiiin ah ka tagi lahaayeen guurka, iyagoo ku dayanaya Rasuulka SCW, markaasna waxaa lumi lahayd muhiimaddii wayneyd oo ahay din la is guursado si bani aadamku u tarmo, uusanna u dabar go’in, waxaa sidoo kale dhici kari lahay din muslimiintu haddii ay guurka ka tagaan ay yaraadaan, gaaladuna ay badato, sidaa daraadeed Islaamku waa uu reebay in guurka iyo hawlaha kale ee addunkaba laga fogaado sida suufiyada qubuuraha gala ama cilmaaniyiinta dhaha konton sano ayaan ku guursanayaa. Rasuulku SCW waxa uu maqlay sadex nin oo kala go’aansaday in aysan seexan, salaatu-layl u taagnaadaan, maalinkii soomanaadaan, aysanna guursan, markaasuu Rasuulka SCW yiri “anigu waan seexdaa, waan tukadaa (salaatu-laylka), waan soomaa, waan afuraa, dumarkana waan guursadaa, qofkii sunnadayda khilaafana iga mid ma ahan (Ummadayda kama mid ahan).3. Sidoo soo tilmaanayba dumarkii uu Rasuulku SCW guursaday waxa ay u badnaayeen dumar ragoodii oo dhintay oo dhibaataysan, sidaa daraadeed si uu ugu kaalmeeyo, diintoodana u dhawro ayuu u guursaday, sidoo kale waxa ay dumarkaasi u badnaayeen dadkii Ilaahay diintiisa ugu horeeyey oo loo dhibay Alle dartii, qaarkoodna waxa ayba ka mid ahaayeen dadkii markii dhibku ka batay u cararay dhulka Xabashida sida; Umu-Xabiiba oo markii ay dhulkaa fog taktay ninkeediina ka ridoobay, Umu-Salama iyo Sawda oo iyagana markiii ay hijrada ka soo laabteen ka dib ragoodii hinteen, sidoo kale waxa uu qaarkood u guursaday in u kaalmeeyo caruurtana la koriyo maadaama ay ragoodii u dhinteen Alle dartii.4. Carabtu waxa ay waagaas aad u xurmayn jirtay xididka oo way qadarin jireen, sidaa darteeed waa la wada og yahay booska ay islaamka u joogeen afartii khulaaf’ul-Raashidiin oo uu Rasuulku SCW xididka la ahaa, sidoo kale qabiilooyin iyo dad awal islaamka la dagaalamayey ayaa markii uu Rasuulku SCW la xididay dhibtii joojiyey, dabadeedna sooba islaamay, sida reer banii musdhaliq oo soo islaamay markii uu Rasuulku SCW ka guursaday Juweyriya bintu Xaarith oo aabeheed ciddaas oday u ahaa, sidoo kale Abii Sufyaan oo si daran Rasuulka iyo islaamkaba ula colaytamay markii uu Rasuulku SCW guursaday gabadhiisii Umu-Xabiiba waa soo jilcay ilaa uu ka islaamay isaga iyo qabiilkii uu madaxda u ahaa ee quraysh.Haddaba dhawrkaas qodob oo aan soo tilmaanay iyo kuwa kaleba waxa ay ina tusinayaan xikmooyinkii iyo faa’iidooyinkii ku jiray guurkii Rasuulka SCW. Waxa ay mustashraqiinta diin laaweyaasha ahi mararka qaarkood qoraan iyaga oo raadinaya meel ay Rasuulka SCW iyo islaamkaba ceeb uga helaan in Rasuulku SCW u guursaday haweenka badan shawwo ahaan, waxaase qofkii wax garad ahi garan karaa in aysan jirin arintaas ay acdaada Alle ku mayraysanayaan, maxaa yeelay sida la wada ogsoon yahay Rasuulku SCW markuu dhalinyarada ahaa ma uusan guursan haween badan, sidoo kale ma uusan guursan gabdho yar yar ee waxa uu guursaday Khadiija oo markaa da’ahayd oo soo guursatay labo nin, isla markaana ma uusan guursan haween kale ilaa ay dhimatay isaga oo konton jira ah, markii ay dhimatayna ma uusan guursan gabar yare waxa uu guursaday Sawda oo ahayd islaan weyn oo garoob ah, sidoo kale saan soo tilmaanayba dumarkii uu Rasuulu SCW guursaday oo dhan waxa ay wada ahaayeen garoobo Caa’isha mooyee, wuxuuna haweenka badan guursaday sannadihii ugu dambeeyey cimrigiisa.Ugu dambayntii saan soo ishaarnayba waxaa Rasuuulka SCW guurkiisa ku jirey xikmooyin uu Alle garanayo, annaguna aannaan wada koobi karin, mana haboona in qof muslim ah is waydiiyo sababta uu Alle ugu baneeyey Rasuulkiisa SCW dumarkaa badan, maxaa yeelay waxa ay taasi noqonaysaa in uusan qofku ka raali noqon xukunka Alle oo uu la dhinactamo Alle iyo Rasuulkiisa SCW, qofkii uu waxyaalahaas shaydaanku ku waswaasiyana waa qof ka shakisan diinta Alle, maxaa yeelay Alle waa Xakiim shay walbaba meeshii ku haboon dhiga, isagaana Rasuulkiisa SCW iyo Rusuhii kale ee ka haweyn badnayd Rasuulka SCW u baneeyey haweenkaa badan.Ka dib markii uu Rasuulku SCW isu keenay sagaal haween ah (oo nikaaxiisa isugu yimid) ayaa Alle ka xarimay in uu haween dambe guursado, waliba waxaa isaga gaar looga xarimay oo lagu siyaadiyey in uu haweenkuu qabay ku badelo haween kale, wuxuuna Alle isagoo arrintaa tilmaamaya qur’aankiisa ku yiri:((XALAAL KUUMA AHAN NABIYOW DUMAR (KALE) DIB DAMBE, KUMANA BADALI KARTID (HAWEENKA AAD QABTO) DUMAR KALE, HABA KU CAJAB GALIYO (DUMARKA KALE) WANAAGOODU, KUWAY MIDIGTAADU HANATAY MA AHANE (KUWA GAALADA LAGA QABSADO), ALLENA WAXA UU AHAADAY SHAY KASTA KII LA SOCDA)), (Suuratul-Axsaab 52). Allah ayaa Mahad oo Dhan iska leh Eebana waa kan idiin naxariista Malaa’igtiisuna idiin ducayso, si uu idiin ka bixiyo Nuurka, waana kan u Naxariista Mu’miniinta. Sharafna waxaa allah Nabigeena Mohamed{scw} ilaahay ha ka jasaaii siiyo qof kasta oo akhriya siina gudbiya

Xiriirka Qoyska

Ragga. Xaaskaagu maalinta oo dhan waxay ku cidlooneysaa guriga. Walaal ku dadaal inaad waqti fiican la qaadato oo aadan habeenkiina cidleyn. Haka jecleysan daawashada Tv-ga iyo dhageysiga raadiyaha, ama wicitaanka badan.

Waxa ugu Horeeya oo Qofka Muslimka ah Laga rabo waa Salaada .

Xariirka Qoyska

Waxaad ogaataa in saygaagu uu yahay dariiqo aad Allaah ugu dhowaan karto hadii aad heshid raalli ahaanshihiisa. Haddii uu raalli kaa noqdo waxad heleysaa raalli ahanshaha Ilaahey hadii uu kaa caroodana Alla ayaa kuu caroonaya.

tobanka saxaabi ayagoo nool janada loogu bishaareeyay.

Wadankee jeclaan lahayd inaad Ku noolaato.

A)Kenya (qabow lkn shiir kalii waye) B)Ethiopia (qabow lkn wasaq Kalii waye) C)Djibouti (Nabad waye lkn kulel saaid waye) D)Somalia (jawi dagan waye lkn qarax kalii waye) E)Eritrea (Nabad waye lkn ciriiri waye nafas mlhn) Fikirkaga wa muhim xage jcln lahayd ina Ku noolato????????????????????????

SALIID ZAYTUUN

ما الإسلام

ج - الإسلام هو الدين الذي بعث الله به نبينا محمد  لهداية الناس وسعادتهم

Nabiga wuxuu yiri Jannada waxaa ku jira Albaab la yiraahdo Rayyaan,waxaa Maalinta Qiyaamaha ka galaya kuwa Sooma ,

وعن سهل بن سعد - رضي الله عنه - عن النبيِّ - صلى الله عليه وسلم - قَالَ: «إنَّ في الجَنَّةِ بَابًا يُقَالُ لَهُ: الرَّيَّانُ، يَدْخُلُ مِنْهُ الصَّائِمُونَ يَومَ القِيَامَةِ، لاَ يَدْخُلُ مِنْهُ أحدٌ غَيْرُهُمْ، يقال: أيْنَ الصَّائِمُونَ؟ فَيَقُومُونَ لاَ يَدخُلُ مِنْهُ أَحَدٌ غَيْرُهُمْ، فَإذَا دَخَلُوا أُغْلِقَ فَلَمْ يَدْخُلْ مِنْهُ أَحَدٌ». متفقٌ عَلَيْهِ.Nabiga wuxuu yiri Jannada waxaa ku jira Albaab la yiraahdo Rayyaan,waxaa Maalinta Qiyaamaha ka galaya kuwa Sooma ,Qof aan iyaga ahayna ma galayo,waxaa la oranayaa aawey kuwii Soomi jirey? Markaas ayey soo kacayaan Qof aaan iyaga ahayni kama galayo markii ay galaana waa la xirayaa qof kalena kama galayo.

Carruurta nabigeena Naxariis iyo Nabad-gelyo Korkiisa Ha ahaatee ay kala ahaayeen.

Ma ogtahay in carruurtii nabigeena (Naxariis iyo Nabad-gelyo Korkiisa Ha ahaatee) ay kala ahaayeen; Faatima, فاطمه Zeynab, زينب Ruqiya, رقيه Umu kalthuum, ام كلثوم ___________________ Ibraahim, ابراهيم Qaasim, قاسم Cabdullaahi. عبد الله

Dalal la ogaaday in ay muuqaala internet la,aan daawan karaan .

Ma ogtahay in soomaaliya ay ku jiro dalal gaaraya 125 dal oo loo ogolaaday iney internet la’aan daawan karaan muuqaallada YouTube, adeegan ayaana lagu magacaabaa YouTube Go, iyadoo ujeedka adeeggan uu yahay in loogu adeego suuqyada soo koraya ee xawaaraha Intenet-koodu uu hooseeyo

Asxaabigii ugu oreeyey ee loo diro magaalada madiina

Ma ogtahay in saxaabigii ugu horreeyay ee loo diro magaalada madiina si dadka uu u baro diinta uu ahaa muscab bin cumeyr مصعب بن العمير allaha ka raali noqdee sidaasna uu ku qaatay naaneysta ah safiirkii ugu horreeyay ee islaamka.

Adkaarta salaadaha ka dib la aqriyo fadli badan ayey leedahay

ما معنى أشهد أن لا إله إلاّ الله

معناه : أعتقد أنّ الله واحد لاشريك له في عبادته

ما معنى أشهد أنّ محمداً رسول الله ؟

معناه : أعتقد أنّ سيدنا محمداً رسول الله لجميع الخلق

ما الصلوات الخمس

هي:الصبح والظهر والعصر والمغرب والعشاء

خمس الصلوات

كلمتان خفيفتان

Markaad labo Ragco Dukato Kadib Markaad Aqriso Labadaan Aayad Kadib Alle Dambi dhaaf waydiiso.

Heshiis wada Noolaasho

Inaad guursatay macnaheedu ma aha gabar Ayaad yeelatay (Ama Nin ayaad yeelatay), balse waxay ka dhigantahay inaad noole adiga oo kale Ah uu idin dhex maray heshiis wada noolaasho. Waana muhim in qof waliba ogaado dowrka uu ku leeyahy heshiiskaas la wada galay.

نحن مسلمون

Magaca iyo Ducada Hadii alle Lagu baryo uu Ajiibayo

Xarfaha afka soomaaliga ee laba laabma

KARINLE ,XILOBILAAL , XEROMALE.

Shirkado Haayo Adeegga looyaqaano Dirista kumeelgaar ka ah Ee DATA ,Free'